Qaramada Midoobay ayaa si adag u cambaareeysay qarixii geystay khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhacay Makhaayadda luul Yemeni ee degmada Xamar Jajab ee caasimadda dalka Soomaaliya ee Muqdisho.
Qoraal kooban oo kasoo baxay Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya aya waxa loogu tacsiyadeeyay dakii ku dhintay qaraxa, halka caafimaad loo rajeeyay kuwa ku dhaawacmay.
“Bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxa ay si adag u cambaareynayaan weerarkii foosha xumaa ee Al-Shabaab ay xalay ka geysteen magaalada Muqdisho, waxa ayna tacsi u dirayaan qoysaska dadkii naftooda ku waayey weerarkaa, iyagoo u rajeynaya caafimaad degdeg ah kuwii ku dhaawacmay ayaa lagu yiri” Qoraalka QM.
Booliska Soomaaliya ayaa sheegay in qaraxaas ay ku dhinteen 10 Ruux 30 kalena ay ku dhaawacmeen, waana markii labaad ee qarax lagu weeraro Maqaayada Luul Yemeni, waxaana mas’uuliyadda qaraxa sheegtay Al-Shabaab, iyaga oo sheegay inay la beegsadeen Saraakiil ka tirsan dowladda Soomaaliya.