Booliska Soomaaliya oo ku dhawaaqay in 30 saacadood ka dib la soo afjaray weerarkii huteel Xayaat

0
390

Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed janeraal Cabdi Xasan Xijaar ayaa faahfaahin ka bixiyay weerarkii ay Al-Shabaab ku qaadeen Huteelka Xayaat oo ku yaalla Aaga isgoyska km4 ee magaalada Muqdisho, kaas oo in ka badan 30 saacadod ay ka dhex dagaalamayeen Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.
Taliye Xijaar oo Shir jaraa’id Warbaahinta ugu qabtay Bartamaha Isgoyska KM4 ayaa sheegay in xalay saqdii dhexe la soo afjaray howlgalkii ka socday Huteelka Xayaat, islamarkaana khasaaraha ka dhashay weerarka uu ku koobaan yahay markii uu dhacay kaliya.
Taliyaha oo aan si rasmi ah u shaacin khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawaca ah ee ka dhashay weerarka ayaa sheegay in Wasaaradda Caafimaadka dowladda Soomaaliya ay ka sugayaan faahfaahinta, hayeeshee Ciidamada amniga ay soo badbaadiyeen ilaa 106 Ruux oo ay Carruur ku jiraan.
Ugu dambeyn Taliyaha ayaa ka hadlin sida uu weerarka u dhacay iyo kooxdii weerartay huteelka, isaga oo diiday in su’aalo la weydiiyo.
In kastoo xaaladda huteelka la weeraray ay xilligaan tahay mid caadi ah ayaa haddana waxaa soo gaaray burbur xooggan ka dib markii ciidamada dowladda ay ku garaaceen hubka culculus.