Milateriga Soomaaliya oo sheegay in ay dileen 17 ka tirsan Al-Shabaab

0
255

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in 17 ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab lagu dilay Khamiistii shalay howlgal ay ciidamadu ka sameeyeen gobolka Hiiraan.
Sida laga baahiyay Idaacadda ku hadasha afka ciidamada, milatariga Soomaaliya waxay xoojiyeen howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, waxayna gacanta ku dhigeen Ceel la Helay, Qasaalay, Nuurfanax, iyo Buur Gabo oo ka tirsan Degmada Halgan ee Gobolka Hiiraan.
Ciidanka XDS ayaa kordhiyay bilihii la soo dhaafay howlgallada lagu xaqiijinayo ammaanka ee ka dhanka ah Al-Shabaab, iyagoo gacan ka helaya ATMIS iyo duqeymaha Mareykanka.
Horraantii toddobaadkan, 14 ka tirsan Al-Shabaab ayaa lagu dilay howlgallo ka dhacay agagaarka degmada Maxaas ee bartamaha Soomaaliya, Dadka la dilay ayaa waxaa ka mid ahaa Horjoogihii Al-Shabaab ee gobolka Hiiraan Maxamad Wehliye Waasuge.
Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa Arbacadii xaqiijiyay in duqeyn ay ku dileen 13 dagaalyahan oo ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa farriisimo ay Al-Shabaab ku lahaayeen deegaanka Teedaan ee gobolka Hiraan.