Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya DHAGEYSO:DFS oo sheegtay in mucaaradka ay diideen in dowladda ay sugto amniga...

DHAGEYSO:DFS oo sheegtay in mucaaradka ay diideen in dowladda ay sugto amniga banaanbaxa

Xukuumadda Soomaaliya ayaa mucaaradka uga mahadcelisay in ay joojiyeen banaanbixii loo ballansanaa in berri uu ka dhaco magaalada Muqdisho, islamarkaana ay jeclaan lahayd in aan mar kalena la isu imaanin
Wasiirka amniga Xasan Xundubey ayaa sheegay in marnaba aan la aqbali doonin in amniga banaanbaxa ay sugaan cid kale, isagoona sheegay in dowladda ay weli ogoshahay in mucaaradka ay banaanbax qabsadaan.
Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay in waxyaabaha la isku fahmi waayay ay qayb ka tahay sugidda amniga goobta uu ka dhacayo banaanbax oo ah Taalada Daljirka Daahsoon ee Magaalada Muqdisho
Wasiirka ayaa sheegay in mucaaradka ay diideen in dowladda ay sugto amniga banaanbaxa

Midowga Musharixiinta ayaa sheegay in ay baajiyeen banaanbixii ay ku dhowaaqeen, kaasi oo loo ballansanaa in uu maalinta berri ka dhaco taallada Dajirka Daahsoon degmada Boondheere ee gobolka Banaadir.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in aysan isku haleen karin ammaanka, islamarkaasna dowladda ay Ciidamo badan geysay Taalada Daljirka Daahsoon oo aheyd halkii la asteeyay in banaannabaxa uu ka dhaco.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments