Codeynta dugsiga hoose dhexe ee Dadaab oo la hakiyay

0
747

Waxaa lagu soo warramayaa in la hakiyay howlaha codbixinta ee dugsiga hoose dhexe ee Dadaab ka dib markii buuq halkaasi ka dhacay uu sababay in babuur la dhagaxeeyo sidoo kalena la dhaawacay ilaa saddex qof .
Wararka ayaa intaasi ku daraya in buuqa uu ka dhashay siyaasi halkaasi tagay oo ay dadka qaar ku eedeyeen inuu taageerayo mid ka mid ah musharraxiinta.
Goobtaasi ayaa ah meesha ay codkooda ka dhiibanayaan dadweynaha ugu tirada badan ee deegaanka hoose ee Dadaab.