IEBC oo hakisay doorashada xilalka barasaabnimo ee ismaamullada Mombasa iyo Kakamega

0
519

Guddoomiyaha guddiga IEBC Wafula Chebukati oo shir Jaraaid qabtay ayaa sheegay in ilaa amar dambe la hakiyay doorashada xilalka barasaabnimo ee ismaamullada Mombasa iyo Kakamega ka dib markii qalalaad dhanka magacyada iyo sawirrada musharraxiinta ah lagu arkay warqadaha codbixinta.
Arrintan ayaa sidoo kale saameynaysa xilka xildhibaananimo ee deegaanka Koonfurta Pokot iyo Kachileba oo ka tirsan ismaamulka galbeedka Pokot.
Chebukati waxaa uu hoosta ka xariiqay in taariikhdan xilalkan loo codeynaya dib laga soo sheegi doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here