Doorashada Kenya: Sidee uu qofka u codeynaya?

0
512

Laga billaabo 6-da subaxnimo ilaa 5-ta galabnimo ee berri ee 9-ka bishan Siddeedaad ayay Kenyaanka codadkooda dhiiban doonaan.
Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC ayaa sheegay in doorashada guud ee sanadkan ayaa waxaa inay ka qayb qaataan isku diiwaangeliyay in ka badan 22 milyan oo codbixiyeyaal ah.
Kenyaanka ayaa codadkooda ka dhiiban doonaan in ka badan 46,000 oo ah goobaha codbixinta ee guud ahaan dalka.
Haddaba, waa sidee sida loo codeynaya?
1-Qof walba oo codbixiya ah waxa lagu aqoonsan doona diiwaanka dijitaalka ee codbixinta ee KIEMS ama haddii loo baahdo diiwaanka caadiga ah ee codbixiyeyaasha.
2- Waxaa laga doonaya inaad haysato aqoonsigii aad isku diiwangelisay sida kaarka aqoonsiga qaran ee ID-card ama baasaboor.
3- Ka dib sarkaalka matalaya IEBC ayaa magacaaga ka eegi doona diiwaanka codbixiyayaasha.
4- Waxa uu sarkaalka ku siin doona 6 warqadood oo ah kuwa codbixinta, si aad u doorato madaxweyne, guddomiye , senatar, xildhibaan, wakiilka haweenka iyo golaha wakiillada hoose ee MCAs.
5-Ka dib waxaad u gudbeysa qaybta ay yaalaan sanduuqyada codbixinta si aad codkaaga u dhiibato.
6- Sanduuq walba waxa uu leeyahay midibka warqadda codbixinta, warqaddii aad soo calaameysatay ama aad calaamadda Tik ama sax saartay ee qofka aad u codeyneyso ayaa waxaad ku rideysa sanduuqa leh midba warqaddaasi.
7-Ka dib sarkaalka IEBC ayaa qad ama midab lagu aqoonsanaya inaad codeysay ku marinaya mid ka mid ah farahaaga , ka dib waxaad aadeysa gurigaaga si aad u sugtid natiijada doorashada.
Fiiro gaar ah: Qofka codbixiyaha qasab ma aha inuu 6-da xilal ee kala duwan u codeeyo.
Sidoo kale qofka aan waxbo akhrin karin ama qori karin waxaa laga doonaya inuu goobta codbixinta la yimaado qof uu ku kalsoon yaahay oo caawiyo islamarkaana waxaa qasab in qofkaasi uu haysto kaarka aqoonsiga qaran ee ID-Card.