Maareyaha doorashada ee Mombasa oo sheegtay inay si buuxda ugu diyaar garoobeen codeynta

0
405

Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha dalka ee IEBC laantiisa ismaamulka Mombasa ee gobolka Xeebta ayaa warbaahinta u sheegay inuu si buuxda ugu diyaar garoobay codeynta guud ee lagu wado inay wadanka ka dhacdo maalinka berri ee 9-ka bishan Siddeedaad.
Isku duwaha doorashooyinka ee Mombasa Swalha Yuusuf ayaa hoosta ka xarriiqday in dowlad deegaankaasi ay iska diiwaangeliyeen 641,000 oo codbixiyeyaal ah.
Waxay dadkan codadkooda ka dhiiban doonaan 1041 oo ah goobaha codbixinta.
Codadka doorashada ee Mombasa ayaa lagu tirin doonaa xarunta dugsiga dowladda ee KSG.
Sidoo kale afar ka mid ah xarumaha asluubta sida Shimo la Tewa main prison, Shimo la Tewa Women prison, Shimo la Tewa medium iyo the Kingorani prison (Jela baridi) ayay sidoo kale maxaabiista ku xiran ugu codeyn doonaan keliya madaxweynaha.
Xilli ay gelinkii dambe ee shalay warbaahinta kula hadashay xafiiskeeda ayay Swalha Yuusuf xustay in ciidamo boolis oo dheeraad ah oo ay ka mid yihiin kuwo sida gaarka ah u tababaran ee loo yaqaano GSU-da la geyn doono meelo lagu sheegay inay dhibaatooyin ka dhici karaan gaar ahaan deegaan baarlamaneedyada Nyali, Likoni iyo Kisauni.
Waxay dadweynaha Mombasa ugu baaqday inay si nabad ah ugu codeyaan musharraxiinta kala duwan.
Maareeyaha doorashooyinka ee Mombasa Swalha Yuusuf ayaa dhanka kale sheegtay inay rajeynayaan in ugu yaraan boqolkiiba 80 ee codbixiyeyaasha diiwaan gashan ay u soo baxaan codeynta.
Waxay intaasi ku dartay in lagu wareejiyay dhammaan agabka codeynta oo ay ka mid yihiin warqadaha codbixinta iyadoo goobaha kala duwan ee ay doorashadu ka dhacaysa iyo meelaha codadka lagu tirinaya ay kormeeri doonaan saraakiil matalaya kooxo kala duwan.