Raila oo muujiyay kalsooni ah inuu ku guulaysan doono xilka madaxtinimo

0
591

Musharraxa madaxweyne ee isbeheysiga Azimio La Umoja-One Kenya , Raila Odinga ayaa dhankiisa muujiyay kalsooni ah inuu ku guulaysan doono xilka madaxtinimo ee doorashada guud ee sanadkan.
Mr. Odinga ayaa taageerayaashiisa ka codsaday inay nabadda ilaaliyaan xilliga codeynta.
Xilli isaga iyo ku xigeenkiisa Martha Karua ay munaasabad duco ah uga qayb galeen xarunta shirarka caalamiga ee KICC ee magaalada Nairobi ayuu sheegay inay aqbali doonaan haddii natiijada doorashada guud loogaga adkaado.
Raila ayaa hoosta ka xarriiqay in Kenya ay waddo dheer u soo martay hannaanka dimuqraadiyadeed sidaas awgeedna cid kasta laga doonayo inay ilaaliso.
Waxaa uu cadeeyay haddii uu hoggaanka wadanka qabto inuunan gacan bidixayn doonin siyaasiyiinta la tartamaya.