Xildhibaannada golaha shacabka oo buuq ka dib ansaxiyay golaha wasiirrada cusub ee Soomaaliya

0
378

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka dalka Soomaaliya ayaa Maanta kulan aan caadi ahayn ku yeeshay Xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho, iyaga oo ku ansaxiyay Golaha Wasiirrada cusub ee Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre.
Kulanka oo guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamad Nuur Madoobe ayaa waxaa goobjoog ka ahaa 237 xildhibaan, balse ka hor ansaxinta ayaa waxaa buuq sameeyay qaar ka mid ah Xildhibaannada oo dalbanayay in codeynta Xukuumadda laga dhigo qarsoodi balse Guddoomiye Aadan Madoobe uu diiday.
Buuq badan ka dib Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa amray in la bilaabo codeynta, waxaana ogol ugu codeeyay 229 mudane, 7 ayaa diiday halka 1 uu ka aamusay.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sheegay in sidaasi lagu ansaxiyay Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, iyada oo Isla goobta lagu dhaariyay Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya.