DHAGEYSO:Dowladda Soomaaliya oo ka walaacsan abaaraha ka jiro deegaano dalkaasi ka mid ah

0
666

Guddi dhawaan uu Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya u xil saaray xaaladda abaareed ee ka jira deegaano badan oo dalka Soomaaliya ka mid ah gaar ahaan Gobolka Gedo ayaa walaac Xooggan ka muujiyay xaaladda Gobolka Gedo hadda ka taagan.
Guddigaan ayaa waxaa ka mid ah wasiirka wasaaradda Maaraynta Musiibooyinka,Wasiirka Qorshaynta Qaranka,Wasiirka Warfaafinta,Wasiirka shaqaalaha iyo Wasiirka Maaliyadda.
Wasiirka wasaaradda Maaraynta Musiibooyinka Soomaaliya Khadiijo Maxamad Diiriye ayaa warbaahinta Faahfaahin ka siisay Xaaladda abaaraha iyo Walaaca ay dowladdu muujinayso