Garoomada cayaaraha ee Nyayo iyo Kasarani oo maanta Ruto iyo Raila isku soo baxyadoodi ugu dambeeyay ku qabanayo

0
458

Isbeheysiyada Azimio La Umoja-One Kenya iyo Kenya Kwanza oo ay kala hoggaamiyaan Raila Odinga iyo madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ayaa maanta qabanaya isku soo baxyadooda siyaasadeed ee ugu dambeeyay ka hor maalinka doorashada ee ku beegan Talaadada ee 9-ka bishan.
Raila ayaa maanta isku soo bixiisa uga dambeeyay ku qaban doona garoonka cayaaraha ee Kasarani, halka dhigiisa William Ruto uu ololihiisa ugu dambeeyay ku qabanaya fagaaraha taarikhiga ee Nyayo.
Ololaha siyaasadeed ee dalka ka socdo ayaa soo billowday 29-kii bishii Shanaad waxaana dastuurka uu dhigaya in la soo gabagabeeyo 48 saacadood ka hor xilliga doorashada guud oo ku beegan 9-ka August ee sanadkan.