Madaxda Turkiga iyo Ruushka oo kulan yeelanaya

0
357

Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa maanta magaalada Sochi kula kulmi doono dhigiisa wadanka Ruushka Vladimir Putin.
Tani ayaa timid ka dib markii Erdogan oo kaashanaya qaramada midoobay uu heshiis ku saabsan dhoofinta qamaddiga dhex dhigay xukuumadaha Moscow iyo Kyiv.
Xukuumadda Ankara ayaa bayaan ku sheegtay in Erdogan iyo Putin ay ka wada hadli doonaan horumarka gobolka iyo caalamka.
Socdaalka uu madaxweyne Erdogan ku tagaya dalka Ruushka ayaa noqonaya midkiisi Siddeedaad tan iyo sanadkii 2019-kii.
Wararka ayaa intaasi ku daraya inay dhanka kale suurtagal tahay in Turkigu uu howlgallo militari ka sameeyo gudaha Syria.