Qaybta ugu dambeysa warqadaha codbixinta ee madaxtinnimo oo maanta la keenaya

0
431

Waxaa uu qorshuhu yahay in maanta wadanka la soo gaarsiiyo qaybtii ugu dambeysay ee waraaqaha codbixinta xilka madaxweynennimo.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo Talaadada soo socoto taariikhduna ay ku beegan tahay 9-ka bishan Siddeedaad ay dalka ka dhici doonto doorasho guud.
Guddoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC ,Wafula Chebukati ayaa dhanka kale sheegay in dhammaan 46,229 xarumood oo ay codeynta ka dhici doonto si rasmi ah loogu soo daabacay wargeyska dowladda.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in la diyaariyay matoorro la adeegsan karo haddii adeegga korontada uu meesha ka baxo ama ay cillad ku timaado.