Wasiirka arrimaha gudaha oo sheegay in 8 qof loo xiray warqado lagu daadiyay Uasin Gishu

0
525

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Dr. Fred Matiang’i ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ee ismaamulka Uasin Gishu ay gacanta ku dhigeen 8 eedeysanayaal ah.
Shakhsiyaadkan ayaa lala xiriirinaya warqado xambaarsan farriimo naceyb ah oo la sheegay in lagu arkay dowlad deegaankaasi.
Wasiirka ayaa hoosta ka xarriiqay in tuhmanayaasha maxkamad la soo taagi doono si lagula xisaabtamo fal dambiyeedkan.
Waxaa uu intaasi ku daray in qiimeyn dhanka amniga ah ay ku sameynayaan dhacdooyin dhawaan laga soo tabiyay gobolka Rift Valley.
Wasiirka ayaa laga soo xigtay in golaha qaran ee amniga uu amray in kheyraad dheeraad ah lagu bixiyo sugidda xasiloonida dalka xilliga doorashada .
Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in degmooyinka Molo, Kuresoi iyo Nessuit ee Rift Valley la geeynaya ciidamo dheeraad ah si ay ula tacalaan khatarrada amni ee soo bixi karo.
Wasiirka arrimaha gudaha ayaa ugu dambeyn kenyaanka u xaqiijiyay in inta ay doorashada socoto iyo marka la soo gabagabeeyo ka dib si wayn loo adkeyn doono amniga dalka sidaas awgeedna aynan jirin sabab walaac loo muujiyo.