Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Maxay yihiin dhaliilaha loo jeedinayo xukuumadda cusub ee Rw Xamse Cabdi Barre?

Maxay yihiin dhaliilaha loo jeedinayo xukuumadda cusub ee Rw Xamse Cabdi Barre?

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa shalay soo magacaabay Golihiisa Wasiirrada Cusub, kuwaasi oo ku dhawaaqistooda si wayn loo sugayay maalmahan.
Xamse Barre ayaa soo Magacaabay Wasiirro, ku xigeennadooda iyo Wasiiru dowlayaal, waxaana mar uu ka hadlayay munasabadda ku dhawaaqista uu shaaciyay in magacaabistiisa ku aaddan Golaha Wasiirrada ay ku timid wadatashiyo badan oo uu la sameeyay qaybaha kala duwan ee Bulshada Soomaaliyeed.
Balse durbadiiba waxaa soo baxay eedeyn iyo dhaliilo culus oo loo jeediyay hannaanka magacaabista Xukuumadda Xamse.
Tan iyo markii shalay Galab lagu dhawaaqay Golaha wasiirrada waxaa soo baxayay dhaliilo ay jeedinayaan siyaasiyiin iyo shakhsiyaad kale oo dalka horay xilal uga soo qabtay, kuwaasi oo durba dhaliilay hannaanka magacaabista ee uu sameeyay Rw Xamse.
Eedaha ugu culus ee Dadka dhaliilsan Xukuumadda Cusub ay cuskanayaan ayaa ah qaabka awood qaybsiga, iyadoo ay Xusid mudan tahay in isla shalay uu mid ka mdi ah Xubnihii la soo Magacaabay uu is Casilay, ka dib markii uu sheegay in awood qaybsi ahaan uusan xilkaas ugu qalmin.
Si waliba Xukuumadda Cusub ee Xamse Barre ayaa waxaa kasoo muuqday shakhsiyaad saameyn ku leh siyaasadda Soomaaliya oo horay ugu jiray iyo shakhsiyaad kale oo ku Cusub Dowladda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments