DHAGEYSO:Booliska Puntland oo faahfaahiyay weerar xalay Boosaaso ka dhacay

0
616

Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxay kasoo baxayaan Qaraxyo iyo weerar xalay lagu qaaday Xabsiga weyn ee magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Barri.
Saqdhexe ee xalay ayaa koox hubeysan xabsiga ku qaadeen dagaal toos ah oo ku bilowday Qaraxyo lala beegsaday Al-baabka laga galo xabsiga weyn ee boosaaso, waxaana intaasi ka dib dagaal uu dhexmaray Ciidanka ilaalada xabsiga iyo kooxdii weerarka soo qaaday.
Taliyaha Booliska ee qaybta Gobolka Bari Xuseen Cali Maxamuud oo Shir jaraaid ku qabtay Xabsiga Wey nee Boosaaso ayaa sheegay in lasoo afjaray weerarkii lagu qaaday xabsiga ayna jiraan maxaabiis baxsatay iyo khasaare ka dhashay dagaalka iyo Qaraxyada.
Khasaaraha dhanka Ciidanka ayuu ku sheegay in hal askari dhintay 2 kalena ay ku dhaawacmeen isagoo Xusay in Kooxdii weerarka soo qaaday laga yaabo inay firxadeen maadaama ay Xilli habeen ahayd .
Waxaa uu Taliyuhu intaas ku daray inay wali wadaan qiimeynta weerarkaas