Diyaaradaha dagaalka ee ciidamada Itoobiya ayaa saacihii la soo dhaafay duqeymo culus ka gaystay deegaanno ka tirsan gobolka Bakool.
Deegaannada ay diyaaraduhu duqeeyeen waxaa gacanta ku haya kooxda Al-Shabaab, iyadoo goobaha la duqeeyay ay maalmahan ka socdeen dagaalo xooggan.
Diyaaradaha Itoobiya ayaa duqeymaha ka gaystay deegaan lagu magacaabo Garasweyne oo 50 kiilomitiri galbeed ka xiga magaalada Xudur oo ah xarunta gobolka Bakool.
Goobjooge la hadlay warbaahinta Soomaaliya ayaa u sheegay in diyaaradaha duqeynta ay ka fuliyeen deegaannada uu ka dhashay khasaaro naf iyo maal ah.
Waxaa uu xusay in Hooyo iyo carruurteeda ay ka soo gaartay dhimasho iyo dhaawac.
Itoobiya wali wax war kama aysan soo saarin duqeymaha diyaaraheeda ka gaysanayaan gobolka Bakool.
Hasa ahaate waxaa xusid mudan in deegaanada la duqeenayo ay ku xooggan yihiin Al-Shabaab, waana goobaha ay ka soo abaabulaan duullaanka ay ku qaadaan dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.