Shirkii u dhaxeeyay Midowga Musharaxiinta iyo Ra’iisul wasaaraha dalka Soomaaliya Maxamad Xuseen Rooble ayaa kusoo dhamaaday fashil ka dib markii la isku fahmi waayay qaar ka mid ah qoddobada.
Qodobka ugu adag ee keenay fashilka ayaa ah in Midowga Musharaxiinta ay kaalin ku yeeshaan ka qayb galka hanaanka doorashooyinka dalkaasi iyo sidoo kale meelaha lagu gaarayo go’aamada ku saabsan arrimaha siyaasadda.
Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sheegay in xukuumadda Soomaaliya ay ka dab qaadanaysa Madaxweynaha Wakhtigiisu dhamaaday ay ku adkeysatay in qodobadii heshiiska aysan aqbalin.
Waxaa uu ku eedeeyay ra’iisul wasaare Rooble mid aan la heyn go’aanka doorashooyinka dalka taa beddelkeeda uu uga dambeeyo Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday ee Farmaajo oo uu sheegay in uu si joogto ah farriimo ugu soo dirayay.
“Shirka waxaa fashiliyay dadka farriimaha u soo dirayay Rooble oo ah mid aan aqoon awooddisa dastuuriga ah” ayuu yiri Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaam Cabdishakuur Warsame.
Home Wararka Soomaaliya DHAGEYSO:C/raxmaan C/shakuur Warsame ”Dowladdu waa ay diiday wax kasta oo xal ah”