Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gen. Cabdi Xasan Maxamad Xijaar ayaa faahfaahin ka bixiyay howlgalladii u dambeeyay ee ka dhanka ah Kooxaha Burcadka ee dhaca iyo dilalka ka gaysta degmooyinka Gobolka Banaadir.
Waxaa uu sheegay in muddadii uu socday howlgallada ka dhanka ah burcadda, lagu soo qabtay ku dhawaad 500 oo ruux oo isugu jira, ciyaal weero, Burcad iyo gacan ku dhiigayaal lagu raad joogay.
Taliyaha ayaa intaasi ku daray in haatan ay wadaan baaritaanno, dhawaan la horgeyn doono maxkamadda awoodda u leh si shakhsiyaadkan ay u wajahaan tallaabada ku habboon.
Dhanka kale, jeneraal Cabdi Xasan Xijaar ayaa tilmaamay in tooreyada casriga ah oo ay isticmaalaan ciyaal weerada ay keenaan Ganacsato Soomaaliyeed dalka dibaddiisa islamarkaana ay ka hortageen badankood.
Taliyaaha ayaa sidoo kale soo hadal qaaday sababta ee wixii saqda dhexe ka dambeeya aynan u shaqeyn karin gadiidka bajaajta.
Falalka amni darro ee ka dhanka ah Bulshada Gobolka Banaadir ee isgu jira dhaca iyo dilka ayaa maalmahan soo batay, kuwaasi oo ay gaystaan Kooxaha Hubeysan ee loo yaqaan Ciyaar Weero.