Bangiga adduunka oo meel mariyay 100 milyan oo doolar oo la siinayo Soomaaliya

0
315

Bangiga adduunka ayaa ansaxiyay 100 milyan oo doolar oo deeq ah kaas oo lagu taageerayo sii wadida dadaallada dib-u-habeynta dhaqaalaha dalka oomaaliya ee lagu gaarayo heerka dhameystirka dayn cafinta wadankaasi.
Dhaqaaalahan ayaa waxa uu taageerayaa dadaalka dowladda ee daah-furnaanta maaliyaddeed iyo kordhinta dakhliga iyada oo loo marayo iswaafajinta nidaamyada kastamka ee federaalka iyo hagaajinta maamulka maaliyadeed ee dowladda dhexe.
Maadaama ay Soomaaliya sii wajaheyso dhibaatooyinka isbeddelka cimilada la xiriira, taageeradan dhaqaale ayaa lagu xoojinayaa adkeysiga dhaqaalaha iyo maalgashiga kalluumeysiga iyo tamarta dib loo cusboonaysiin karo si loo abuuro shaqooyin loona kobciyo.
“Howlgalkani waxa uu kordhin doonaa maaliyadda dowladda si wax looga qabto xaaladda abaarta, iyada oo la sii wadayo dib-u-habaynta horumarka lagu gaarayo deyn cafinta Soomaaliya,” ayay tiri Kristina Svensson, Maamulaha Bangiga Adduunka ee Soomaaliya.
Bangiga adduunka ayaa sheegay in bishii 6-aad ee sanadkan, boqolkiiba 46 dadka Soomaaliyeed ay soo foodsaartay cunto yari taas oo ay ugu wacan tahay xaaladaha abaareed ee sii xumaanaya iyo saamaynta sicir bararka, sida sare u kaca qiimaha cuntada iyo shidaalka, qayb ahaan waxaa sabab u ah dullaanka uu Ruushka ku qaaday dalka dariska la ah Ukraine.
Iyadoo ay jiraan caqabadahaas, ayuu Bangiga adduunku ku ammaanay Soomaaliya inay sii adkaysay xasilloonida dhaqaalaha guud, waxayna sii waday ka qayb qaadashada Hindisaha deyn cafinta.