DHAGEYSO:Taliyaha booliska qaybta Bari “Howlgallada waxaan ku aragnay wiil Iyo aabihiis oo ciyaal weero Isla ah”

0
533

Taliyaha qaybta bari ee booliska gobolka Banaadir Cali Calasow Xasan (Goofjooge) oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in inta ay howlgallada ka dhanka ah burcadda dhibaatada ka gaysata degmooyinka caasimadda Muqdisho ay la kulmeen dhibaatooyin ay ka mid tahay in aabbe iyo wiilkiisa oo ciyaal weerada kuwada jira.
Gaashaanle Cali Calasow Goofjooge oo la hadlay mas’uuliyiin ka tirsan xafiiska xeer ilaalinta qaranka oo kormeer u tagay degmada Kaaraan ayaa sheegay in burcadda ciyaal weerada ay haatan isku beddeleen gaangiistarro.
Taliyaha ayaa intaasi ku daray in walidiinta dhalay kooxaha Ciyaal weerada ay ceshtaan marka hore, haddii aysan ceshan ayuu xusay in aysan kadaba imaan marka ay Booliska Gacanta kusoo Dhigaaan.