Ugu yaraan 11 qof oo uu ka mid yahay guddoomiyihii degmada Marka ee xarunta gobolka Shabeellada Hoose, Cabdullaahi Cali Waafow ayaa ku dhintay weerar is qarxin ah oo maanta lagu qaaday xarunta maamulka degmadaasi, sida laga soo xigtay dad goobjoog ah.
Dadka kale ee qaraxa ku dhintay ayaa isugu jiray Askar iyo dad shacab ah, waxaana jira dhaawacyo kale oo intaasi ka badan.
Nin isku soo xiray walxaha qarxa ayaa isku qarxiyay xarunta degmada, sida laga soo xigtay maamulka gobolka Shabeellada Hoose.
Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxa, waxayna intaa ku dartay inay khaarajiyeen guddoomiyihii magaalada Marka Cabdillaahi Cali Waafow.
Xaaladda Magaalada Marka ayaa hadda ah mid aad u kacsan, waxaana billowday howgallo ay sameynayaan Ciidanka ammaanka.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in qaraxa uu ahaa mid aad u xooggana oo jugtiisa laga maqlay degmadaasi.