DHAGEYSO:Rw Xamse oo markii ugu horreysay ka hadlay dagaalka Al-Shabaab iyo ciidanka Liyuu boolis

0
529

Ra’iisul Wasaaraha dalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa ka hadlay markii ugu horreysay weerarkii Al-Shabaab ay ku qaadeen meelo ka mid ah dowlad deegaanka Soomaalida ayaa sheegay in Ciidamada Liyuu Boolis ay muddo kooban ku soo afjareen weerarkii kaga yimid meleeshiyaadka Al-Shabaab.
Xilli uu kulan la qaatay qaar ka mid ah Haweenka Soomaaliyeed ayuu sheegay in guusha Ciidamada Liyuu Boolos ay horseedeen taageero ay ka heleen Shacabka gaar ahaan Haweenka, kuwaas oo ka soo gurmaday Magaalada Jigjiga oo Ciidamada la daba taagnaa Biyo iyo Cunto iyo waxkasta oo ay u baahan yihiin.
Waxaa uu intaasi ku daray in Haweenka Soomaaliyeed ay dowladda garab istaag u muujin doonto ayna ka mid noqon doonaan Golaha Wasiirrada, hayeeshee dhankooda looga bahaan yahay inay u diyaar garoobaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Hadalkan ka soo yeeray Rw Xamse ayaa ku soo aadaya xilli dowladda Soomaaliya ay ka aamusneyd weerarkii Al-Shabaab ku qaadeen meelo ka mid ah dhulka dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.