DHAGEYSO:Rw Soomaaliya oo sheegay in loo baahan yahay siyaasad deggan oo kalsooni ka dhex abuurta madaxda

0
339

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in ujeedka koowaad ee Xukuumadda uu soo dhisi doono ay noqon doonto siyaasad deggan oo kalsooni ka dhex abuurta madaxda dowladda dhexe iyo dowlad gobolleedyada ka jira dalkaasi.
Ra’iisul Wasaaraha oo kulamo wadatashi ah ka wada magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Bulshada Soomaaliyeed iyo Xukuumadda ay isku si u wada Shaqeyn doonaan, islamarkaana Xukuumaddiisa ay ku Shaqeyn doonto waxkasta oo saameeynaya Shacabka si ay u helaan Shaqo wanaagsan ayna kaga duwanaan doonaan Xukuumadihii ka horreeyay.
Waxaa uu intaasi ku daray in dhibaatada haysata Shacabka ay keentay siyaasad xun iyo Siyaasiyiin aan heshiis ahayn, si taasi looga gudbana ay muhiim tahay inay heshiis yihiin Madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada.

Hadalkan ka soo yeeray Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa ku soo aadaya xilli dhowrkii sano ee la soo dhaafay khilaaf u dhexeyay siyaasiyiinta Soomaaliyeed ay keentay inay dib u dhacdo doorashada Soomaaliya.