Dowladda Japan oo xukun daldalaad ah ku fulisay nin toorey dad badan ku dilay 2008-dii

0
435

Waxaa lagu soo warramayaa in dowladda dalka Japan ay xukun daldalaad ah ku fulisay nin lagu helay dembi ah inuu sanadkii 2008-dii degmada caanka ku ah agabka elektarooniga ee loo yaqaano Akihabara ee ka tirsan caasimadda Tokyo uu ku dilay ilaa 7 qof xilli uu toorey adeegsaday.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in weerarkaasi uu ku dhaawacay ilaa 10 qof oo dheeraad ah.
Wasiirka cadaaladda ee dalka Japan Yoshihisa Furukawa ayaa sheegay in eedeysanaha dambiga lagu helay uu magaciisu yahay Tomohiro Kato uu aad isugu diyaariyay inuu weerarkaasi gaysto, isagoo oo aad uga go’aneyd ama niyad u hayay in uu dil gaysto.
Xukunka isaga ah ayaa la soo gabagabeeyay ka dib markii maxkamadda ay si wayn uga baaraan dagtay, sida uu warfidiyeenka u sheegay wasiirka cadaaladda ee wadanka Japan.