Waxaa ciribta dillaacsan ee lugaha ay noqon kartaa xanuun, jir ahaan iyo maskax ahaanba.
Dadka xaaladahan la kulma, waxay inta badan ku dadaalaan in ciribtooda hadii uu dildilcaayo ka muqdo ay ku qariyaan sigiso ama kabo daboolan, iyagoo aan waligood ku dhiiran inay xirtaan kabo furan xilliga ay bulshada ku dhex jiraan.
Nasiib darro, qarinta ciribtaada dillaacsan maaha xal wakhti dheer ah oo la heli karo, si ay u bogsato ciribtaada, waa in aad si toos ah u xalliso dhibaatada, balse ha werwerin, marka aad fahanto waxa sababay dildilaaca ciribtaada, waxaad u jirtaa kala bar xallinta dhibaatada.
Maadaama ay jiraan dhowr sababood oo kala duwan ee cagaha dillaacsan, waxay kugu qaadan kartaa wakhti inaad qeexdo waxa horseeday xaaladda cagahaaga ay dildilaaca ka muqdo.
Dad badan ee cagaha dillaacsan leh ayaa calaamad u ah xaaladaha maqaarka sida cambaarta iyo cudurka loo yaqaano psoriasis.
Sababaha kale ee horseedo ciribta dillaacsan waa cudurka Sonkorowga.
Dildilaaca cagahaaga waxyaabaha kale oo sababa waxaa ka mid ah, wakhti dheer oo aad ku istaagnaatid sagxad adag, kabo furan oo aan fiicnayn iyo goobta joogtid uu jawigeedu yahay cimilo qabow.
Haddii cagahaaga ay leeyihiin dildilaacyo, waa inaad la tashataa dhakhtar, haddii kale, waxaad isku dayi kartaa talooyinka aan halkan ku xusi doona si ciribtaada ay uga boogsooto dildilaaca.
Cagahaaga nadiifi
Haddii ciribtaada dildilaac leedhahay, waa muhiim inaad ku dadaasho nadaafaddooda, wasakh iyo boor waxay u badan tahay inay sii xumeeyaan dhibaatada taas oo keenta dildilaacyada ciribta oo ka dib ay dhici karto inay cudur isu beddesho.
Intaa waxaa dheer, iska ilaali rabitaanka inaad isticmaasho saabuun adag si aad cagahaaga u nadiifiso, taa beddelkeed isticmaal cago nadiifiyeyaasha khafiifka ah si aad uga fogaato in cagahaaga aysan qaleel ama dry u noqon.
Ka fogow waxyaabaha ay ku jiraan udgoonka iyo khamriga maxaa yeelay waxay aad u adkeeyaan cagahaaga jilicsan.