Maxaa ka jiro in madaxweyne Xasan Sheekh uu dhigiisa Masar kala hadlay arrinta wabiga Nile?

0
645

Qaar ka mid ah Warbaahinnada dalka Masar ayaa saacadihii la soo dhaafay sheegayay in Madaxweynaha Masar uu sheegay in dhigiisa Soomaaliya ay ka wada hadleen arrinta Wabiga Nile oo ay isku haystaan dowladaha Itoobiya & Masar, balse Madaxtooyada Soomaaliya ayaa Warkaasi beenisay.
Afhayeenka Madaxweynaha Soomaaliya Cabdikariim Cali Kaar ayaa sheegay in aan waxba ka jirin wararka sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh uu dhigiisa dalka Masar kala hadlay arrinta Wabiga Nile.
Waxaa uu xusay in labada Madaxweyne ay ka wada hadleen kaliya hagaajinta iyo xoojinta xiriirka labada wadan, adkeynta danaha istiraayiijiga ah iyo ka wada Shaqeynta Arrimaha amniga iyo Waxbarashada.
Afhayeenka oo la hadlayay laanta afka soomaaliga ee BBC-da, ayuu sheegay in dalalka Soomaaliya iyo Masar uu ka dhexeeyo xiriir soo jireen ah oo qoto dheer, islamarkaana dowladda Masar ay ballanqaaday in ay ku garab taagnaato Soomaaliya sidii dib loogu dhisi lahaa dowladnimadeeda.
Ugu dambeyn Afhayeenka Madaxweynaha ayaa sheegay in mowqifka dowladda Soomaaliya ee Arrinta Wabiga Nile uu yahay in si nabad ah looga wada faa’iideysto Wabiga Nile iyada oo la raacayo xeerarka Caalamiga ah ee degsan.
Xiriirka dowladaha Masar iyo Soomaaliya ayaan wanaagsaneyn sanadihii la soo dhaafay, waxaana Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqasho rasmi ah ku jooga dalkaasi uu wadaa sidii dib loogu soo celin lahaa xiriirkii labada dowladood, islamarkaana loo xoojin lahaa.