Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya ayaa waxaa lagu wadaa in Caawa ay kulan ku yeesheen Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble & Midowga Musharixiinta Madaxweynaha.
Kulankaan oo noqonaya midkii saddexaad ee ay yeeshaan labada dhinac ayaa Saacadihii la soo dhaafay warar soo baxayay waxay sheegayeen inuu baaqday, hayeeshee Xukuumadda Soomaaliya iyo dhinaca Musharixiinta labadaba waxay sheegeen inuu shirku qabsoomayo Caawa.
Afhayeenka Xukumadda Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa qoral uu soo dhigay bartiisa twitter-ka ku sheegay in galinka dambe ee maanta hotel-ka Decale ee Magaalada Muqdisho uu ka furmayo shir u dhexeeya Musharixiinta iyo Ra’iisul Wasaare Rooble.
Home Wararka Soomaaliya Ra’isulwasaaraha Soomaaliya iyo midowga Musharaxiinta oo Caawa Kulan Yeelanaya