Mucaaradka Somaliland oo ku baaqay in la qabto dibadbaxyo ballaaran

0
672

Musharraxa doorashada madaxweynaha ee xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ee jamhuriyadda Somaliland, Cabdiraxman Maxamad Cabdillaahi (Cirro) ayaa taageerayaashiisa ugu baaqay inay u diyaar garoobaan dibadbaxyo ay ka dhigi doonaan guud ahaan Somaliland.
Waxaa uu sheegay in dibadbaxyada looga soo horjeedo waxa uu ku tilmaamay ‘xil gudasho la’aanta ee madaxweyne Muuse Biixi uu ku kacay’ iyo dhibaatooyinka haatan ka taagan Somaliland.
Isaga oo ka hadlayay shir jaraa’id ayuu sidoo kale sheegay inay dadaal ku bixinayaan sidii lagu sameyn lahaa isbeddello dhanka dimuqraadiyadda ah.
“Waxaa aan ugu baaqeynaa taageerayaasha Xisbiyada mucaaradka ah in ay si ballaaran oo qorsheysan ugu diyaar garoobaan in dib loo billaabi doono bannaanbaxyadii nabadeed ama mudaharaadkii silmiga ahaa ee aynu hore u hakinay kuwaas oo ka qabsoomi doona dhammaan Gobollada iyo Degmooyinka Jamhuuriyadda Somaliland,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cirro