Howlgalo laga Bilaabay Duleedka Dhuusamareeb

0
595

Ciidamada Nabadsugida Soomaaliya ee ka howlgalla Magaalada Dhuusamareeb ayaa duleedka Magaaladaas ka bilaabay howlgalka ka dhan ah Ururka Al-Shabaab.
Howlgalka ayaa waxaa hoggaaminaya Taliyaha Cusub ee Ciidanka Nabad sugida Magaalada Dhusamareeb Cabdi Shakuur Yare, waxaana Ciidamada oo wata Gaadiidka dagaalka ay sigaar ah uga sameeyeen howlgalka deegaano Dhuusamareeb ka xiga koonfur iyo Waqooyi dhowr marna ay ka dhaceen falal amniga lid ku ah.
Taliyaha Cusub ee Ciidanka Nabad sugida Dhusamareeb Cabdi Shakuur Yare ayaa la kulmay dadka ku nool tuulooyink ay Ciidamada howlgalka ku tageen, isagoo ugu baaqay inay kala Shaqeyaan sugida amniga, kuna soo wageliyaan hadii ay arkaan waxyaabo amniga Qalqal galinay.
Waa howlgalkii ugu horeeyay ee taliyaha Cusub ee Ciidamada Nabadsugida Magaalada Dhuusamareeb uu deegaano hoosyimaada Magaaladaas ka sameeyo tan iyo markii xilkaan loo magacaabay.
Tuulooyin hoostaga Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug ayaa waxaa mararka Qaar taga Xubno ka tirsan ururka Al-Shabaab, iyagoo dhowr jeer hoobiyeyaal kusoo weeraray Magaalada Dhuusamareeb.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here