Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka dalka Soomaaliya ayaa maanta kulan ku yeeshay Xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho, iyaga oo ku ansaxiyay codsi uu u soo gudbiyay Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo ahaa in muddo 10 Cisho ah loogu daro xilliga uu soo magacaabayo golihiisa Wasiirrada.
Kulanka oo ay shir guddoomineysay Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka Marwo Sacdiyo Xaaji Samatar ayaa waxaa soo xaadiray 145 Mudane, waxaana Xoghayaha golaha Shacabka Cabdikariim Xaaji Axmad Buux uu golaha u akhriyay codsiga ka yimid Ra’iisul Wasaaraha ee ah in muddo 10 cisho ah loogu daro wakhtiga uu soo Magacaabayo Golihiisa Wasiirrada.
Intaasi ka dib Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa cod gacan taag ah u qaaday codsiga uga yimid ra’iisul Wasaaraha, waxaana ogol uu codeeyay 144 Mudane hal ayaa ka aamusay mana jirin Xildhibaan diiday.
Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka ahna ku simaha Guddoomiyaha golaha, Marwo Sacdiyo Xaaji Samatar ayaa sheegtay in sidaas uu ansax ku yahay codsiga Ra’iisul Wasaaraha ee ah in muddo 10 cisho ah loogu daray wakhtiga uu ku soo Magacaabayo golihiisa Wasiirrada.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo la Magacaabay 15-kii Bishii hore ee June ayaa laga sugayaa in 10-ka Cisho ee soo socota gudaheed in uu ku soo Magacaabo Golihiisa Wasiirrada, islamarkaana uu horgeeyo Xildhibaannada Golaha Shacabka si ay u ansaxiyaan.