DHAGEYSO:Booliska gobolka Banaadir oo gacanta ku dhigay 74 dhallinyaro ciyaal weero ah

0
450

Ciidamada Booliska dalka Soomaaliya ayaa xalay howlgallo amniga lagu xaqiijinayay waxaa ay ka sameeyeen Xaafado ka tirsan gobolka Banaadir gaar ahaan degmada Kaaraan halkaas oo ay ku soo bateen falalka Amni darro.
Intii uu howlgalka socday ayaa Ciidamadu kusoo qabteen Ciyaal weero aad u farabadan iyo qalab ay dadka ku dhibaateyn jireen, kuwaas oo dhibaato wayn ay ku qabeen Shacabka degmada Kaaraan.
Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Cabdifataax Aadan Xasan ayaa sheegay in Ciidamada Booliska ay gacanta ku dhigeen 74 dhallinyaro ciyaal weero ah iyo in ka badan 50 Mindiyo casri ah oo horay dalka aan loogu arag, kuwaas oo dadka lagu dili jiray qaarkoodna lagu dhici jiray.