Taliyaha Ciidanka sirdoonka qaranka Soomaaliya ee NISA qaybteeda Gobolka Gedo, Bakaal Kooke ayaa ka hadlay markii ugu horreysay khilaafka xoogeystay ee u dhexeya Maamulka Jubbaland ee uu hoggaamiyo Axmad Maxamad Islaam (Axmad Madoobe) iyo kan Gobolka Gedo.
Waxaa uu sheegay in Madaxda Dowladda Soomaaliya oo uu ugu horreeyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ay ballanqaadeen inay tagayaan gobolkaasi, si ay u dhageystaan tabashada ay ka qabaan dadka deggan Gedo hoggaanka Maamul Goboleedka Jubbaland.
Waxaa uu sidoo kale sheegay in muhiim aysan ahayn in Gobolka amnigiisa lagu ciyaaro, balse ay tahay in amniga la wada ilaaliyo.
Dhanka kale, wuxuu digniin u diray ciidamada dowladda ee ku sugan gobolka Gedo, waxaa uuna sheegay in Askarigii dhibaato gaysta la horgeyn doono maxkamadda, islamarkaana cadaaladda la marsiin doono.
Home Wararka Soomaaliya DHAGEYSO:Taliyaha NISA qaybta gobolka Gedo oo sheegay in Xasan Sheekh uu halkaasi...