Xukun lagu riday haweeney lagu helay in ay ka tirsaneyd Al-Shabaab

0
469

Deeqo Maxamad Xuseen Cabdi oo magaceed Afgarashadu yahay “Faadumo” ayaa maanta lagu riday xukun xabsi ah, ka dib markii lagu helay inay ka tirsaneyd kooxda Al-Shabaab, islamarkaana kaga biirtay deegaanka Ceelasha Biyaha qiyaastii labo sana ka hor.
Waxaa ay Deeqo ku dhalatay degmada Camaaro ee gobolka Mudug, iyadoo da’deeda lagu sheegay 28 sano jir.
Laamaha ammaanka ayaa haweeneydan ka soo qabteen degmada Kaaraan bishii Labaad ee sanadkan.
Waxaa Deeqo Maxamad Xuseen la soo qabtay iyada oo ku guda jirtay Warbixin ka dirista xaaladda Guriga Askari lagu dilay ee degmada Kaaraan, iyadoo baaritaan ay sameeyeen booliska laga soo helay Gurigeeda Bam gacmeed iyo Bistoolad ku jirtay 7 rasaas.
Maanta oo Khamiis ah ayay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sidda ku ridday Deeqo Xukun 15-sano oo xabsi Ciidan ah.
Warar ayaa sheegaya in haweeneydan uu Al-Shabaabnimo ku tashkiiliyay Nin saaxiib la ahaa Odaygeedii hore oo isna Al-Shabaab ahaa, kaas oo lagu magacaabo Cabdullaahi Xasan Yusuf, balse waxaa ay kala tageyn sanadkii 2018-kii, sida ay afkeeda ka sheegtay