Madaxweynaha Soomaaliya oo gaaray dalka Tanzania

0
364

Madaxweynaha dalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha ee dalka Tansaaniya, iyada oo halkaasi si wayn loogu soo dhaweeyay.
Waxaa uu madaxweynaha halkaasi kaga qaybgeli doona Shirka dalalka ku mideysan jaaliyadda Bariga Afrika (EAC) kaasi oo ka dhacaya magaalada Arusha ee dalka Tansaaniya.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa madaxda dalalkaasi uga warbixin doona fursadaha dhaqaale ee dalka Soomaaliya, gaar ahaan dhanka wax soo saarka, maalgashiga iyo dadaallada dhiirigelinta mudan ee ganacsatada Soomaaliyeed.
Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo doonaya inuu qorshahan ka dhabeeyo ee ku biirista jaaliyadda bariga Afrika ee EAC.
Jaaliyadda Bariga Afrika ee EAC ayaa waxaa dib loo aas-aasay sanadkii 2000, iyada oo ay ku mideysan yihiin toddobo (7) dal oo wadaaga suuq-ganacsiyeed ballaaran kaasi oo muhiim u ah dhaqaalaha Gobolka.
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa codsiga ka mid noqoshada dalladdan waxa ay gudbisatay sanadkii 2016-kii.