Goorma ayaa la soo magacaabayaa xukuumadda cusub ee Soomaaliya?

0
321

Golaha cusub ee wasiirrada dalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in lagu dhawaaqo maalinta Sabtida ee 23-ka bishan sida ay ogaatay warbaahinta Star.
Madaxweynaha iyo ra’iisul wasaarihiisa Xamse Cabdi Barre, ayaa ugu dambayn isku raacay liis gole wasiirro ah oo ay ku jiraan saaxiibo badan oo ka socda dhinaca madaxweynaha.
Waxay qaadatay muddo ku dhow bil soo magacaabidda xukuumaddiisa, taas oo siyaasiyiin badan oo ku jiray ololaha madaxweynaha ay doonayaan inay ka soo muuqdaan.
Lama oga tirada rasmiga ah ee golaha wasiirrada, Waxaase jira warar ku saabsan in tiro yar oo ka mid ah xukuumaddii Rooble inay ka soo muuqan karaan xukuumadda cusub.
Madaxweyne Xasan Sheikh oo haatan xafiiska jooga muddo 50 cisho ah, waxaa wakhtigiisa ugu badan uu ku bixiyay safarrada dibadda ee uu ku marayo dalalka saaxiibka la ah Soomaaliya.