Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirto sidii ay xubin uga noqon lahayd Jaaliyadda Bariga Afrika ee EAC.
Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo doonaya inuu qorshahan ka dhabeeyo ayaa maanta ku wajahan magaalada Arusha ee dalka Tansaaniya .
Jaaliyadda Bariga Afrika ee EAC ayaa waxaa dib loo aas-aasay sanadkii 2000, iyada oo ay ku mideysan yihiin toddobo (7) dal oo wadaaga suuq-ganacsiyeed ballaaran kaasi oo muhiim u ah dhaqaalaha Gobolka.
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa codsiga ka mid noqoshada dalladdan waxa ay gudbisatay sanadkii 2016-kii.
Madaxweyne @HassanSMohamud ayaa berri (Khamiis) u amba-baxaya magaalada Arusha ee dalka Tanzania si uu taageero ugu raadiyo in ๐ธ๐ด ka mid noqoto dalalka ku bahoobay Bulshada Bariga Afrika (EAC), taasi oo haddii ay suurtagasho dadka Soomaaliyeed ka dheefi doonaan qodobbada hoose.๐๐พ pic.twitter.com/jagnHFDwtl
— Villa Somalia (@TheVillaSomalia) July 20, 2022