DHAGEYSO:Madaxtooyada Soomaaliya oo beenisay in dhallinyaradii tababarka ciidan loo geeyay Ereteria ka qayb galeen dagaalladii Itoobiya

0
286

Dhowrkii sano ee la soo dhaafay waxaa aad waalac looga muujinayay warar soo baxayay oo sheegayay in dhallinyaro farabadan oo dowladdii hore ee Maxamad Cabdullaahi Farmaajo tababarka ciidan ugu qaadday dalka Ereteriya ka qayb galeen dagaalladii ka dhacday Itoobiya .
Hayeeshee dowladda madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii ugu horreeysay beenisay in dhallinyarada tababarka ciidan loogu qaaday dalka Ereteriya inay ka qayb galeen dagaalkii Itoobiya.
“Waa been in ciidamada Soomaaliya ee Eriteriya tababarka loogu qaaday ay ka qayb galeen dagaaladii gobolka Tigray wayna badqabaan waxayna ku soo laabanayaan dalkooda” ayuu yiri Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya.

Waalidiin badan ayaa ka walaacsanaa in Carruurtooda tababarka ciidan loogu qaaday ay ka qayb galeen dagaalkii ka dhacay dalka Itoobiya, waxaana guddi ka socda ay dhawaan la kulmeen madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh maxamuud.