Hay’ad sheegtay in kala bar shacabka Soomaaliya oo gaajeysan yihiin

0
252

Waddamada Geeska Afrika waxaa ku dhufatay abaarta ugu xumeyd oo muddo 40 sano ah soo marta.
Hay’adda Cunnada Adduunka ee WFP ayaa sheegtay in 20 milyan oo qof oo ku nool waddamada Somaaliya, Kenya iyo Itoobiya ay dhammaadka sanadkan macluul halis ugu jiraan.
Halka dhibka baaxaddiisuna uu ka jiro dalka Soomaaliya.
Hay’adaha gargaarka ayaa sheegaya dhibaatada abaarta ee ka taagan dalka Soomaaliya inay tahay tii ugu xumeyd muddo 40 sano ah.
Dadkii ku noolaa tuulooyin dhan ayaa guryahooda ka qaxay iyaga oo raadinaya biyo, cunto iyo dawo.
Hay’aduhu waxaa kale oo ay sheegeen carruur badan inay nafaqa darro u dhinteen, halka ay qaarkoodna la soo darseen dhibaatooyin maskaxeed.
Beerihii ayaana wax dalag ah kasoo go’in, waxaan waddooyinka daadsan bakhtiga xoolaha ay abaarta laaysay.
Waxaa ku jiraa kumanaan carruur ah oo aysan cidna wehlin oo ku sugan xeryaha barakacayaasha., waxaana carruurta daryeelayaa walaalahood ka wayn maadaama waalidiintooda ay biyo iyo baad u raadsadeen magaalooyinka halka hooyooyin badan ay la daalaa dhacayaan heerka nafaqa darrada oo sare u kacay kaas oo saameeyay carruurta.
Haatan dhimasho ayaa la soo sheegayaa, mid ka mid ah xeryaha barakacayaasha , waxaa ku dhintay ugu yaraan 26 carruur ah intii u dhexeysay bilihii May iyo June ee sanadkan, sida ay sheegayaan warbixinnada laga helayo halkaas.