Maamulka degmada Beledweyne oo ka digay in la isticmaalo biyaha wabiga Shabeelle oo qurmaya

0
366

Waxaa isa soo taraya walaaca laga muujinayo isbeddel la sheegay inay ku yimaadeen midabka biyaha wabiga Shabeelle ee dhexmara magaalada Beledweyne oo noqday kuwa madoobaad ah, islamarkaana qurmaya.
Maamulka degmada Beledweyne oo warbaahinta kula hadlay wabiga Shabeelle qarkisa ayaa uga digay shacabka reer Beledweyne inay isticmaalaan biyaha wabiga Shabeelle oo ay sheegeen inay yihin biyo uu haatan wato kuwa sumeysan.
Guddoomiyaha degmada Beledweyne Cismaan Dhicisoow Dhuuboow ayaa digniin u diray maamulayaasha Ceelasha biyaha siiya magaaladaasi iyo shacabka isticmaala biyaha wabiga, wuxuuna faray maamulayaasha Ceelasha biyaha inay tubooyinka kala baxaan wabiga oo haatan wata biyo sumeysan shacabkana aysan cabin.
“Waligey maanan arkin wabiga oo biyo wada biyo noocaan oo kale ah, waan arki jiray isagoo wada biyo calaw ah, isagoo eber ah iyo isagoo buuxa oo biyo baxa ah, balse wali maanan arkin biyo noocaan oo kale ah oo madow ah haddana uraya, urtooda ayaan hadda ag taagnaan la’ahay, waana biyo sumeysan dowladda Itoobiya ayaa horay ugu sheegtay dadkeeda marka inta ay ka gudbayaan yaanan la isticmaalin waa digniin, waana ognahay in dadka Beledweyne boqolkiiba 89 isticmalaan biyaha wabiga” ayuu yiri guddoomiye Cismaan Dhicisoow Dhuuboow.
Dadka ku dhaqan gudaha Beledweyne iyo nawaaxigiisa ayaa inta badan isticmaala biyaha wabiga Shabeelle oo dhexmara magaaladaasi, waxaana arrintan ay noqon doonta mid keeni karta caqabad wayn oo la xariirta helitaanka biyo nadiif ah, maadama biyihii wabiga ay noqdeen kuwa madoobaad ah oo haddana qurmaya.