DHAGEYSO:Deegaano ka tirsan gobolka Gedo oo xaalad binu’aadanimo laga soo sheegayo

0
710

Wararka ka imaanaya Gobolka Gedo ee Koonfurta dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in deegaano badan ay ka jiraan xaalado binu’aadanimo oo aad u daran ka dib markii abaar Baahsan Gobolkaas ay Saamaysay waxaana la soo sheegayaa in Meelaha qaar ay dadku Biyo la’aan ugu geeriyoodeen.
Gobolkaan ayaa la sheegay in markii hore ay ku yaraayeen Ceelasha Biyaha waxaan Abaarta oo mudo soo jirtay ay reebtay Saamayn weyn Boqolaal qoysas ah ayayna wararku sheegayaan inay deegaanadooda isaga barakaceen ayado aysana wali dadku wax gargaar ah helin.
Deegaanada hada khasaaraha Nafeed ee abaartu sababtay laga soo sheegayo ayaa waxaa ka mid ah Buurdhuubo,Fafax-dhuun, Garileey, Cows-Gurun,dhamase,Tuulo barawaaqo iyo deegaano kale oo gobolka Gedo ka Tirsan.
Gudoomiyaha degmada Baardheere ayaa warbaahinta gudaha Soomaaliya u sheegay in deegaano badan oo degmadaas hoos taga ay dad iyo duunyo abaarta ugu dhinteen ayna halkaas ka jirto xaalad adag oo nololeed gaar ahaan dhanka biyaha.
Senator Axmad Macalin Cumar Nadiir oo aqalka Sare ee Soomaaliya ka Tirsan ayaa dowlada Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland wuxuu ka dalbaday in gar gaar deg deg ah la gaarsiiyo gobolka Gedo.

Xaaladaan abaareed ee gobolka Gedo ayaa ku soo aadaya ayadoo Soomaaliya la guda galay bilihii kulaylka waxayna Saamayn ku yeelatay dhamaan 7 degmo ee gobolka Gedo ka kooban yahay,wararka ayaana intaas ku darayo in Gobolka Khadka isgaarsiintu uu yahay mid liita meelaha qaarna aysanba wax isgaarsiin ah ka jirin sida ay warbahainta gudaha Soomaaliya tabinayso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here