Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Midowga wariyaasha ee KUJ oo doonaya in suxufiyiinta lagu daro dadka ka...

Midowga wariyaasha ee KUJ oo doonaya in suxufiyiinta lagu daro dadka ka faa’iidaysanaya talaalka COVID-19

Midowga wariyaasha dalka ee KUJ ayaa doonaya in xubnaha ka tirsan la tixgeliyo marka la eego shakhsiyaadka ugu horreeya ee la siinaya talaalka ka dhanka ah cudurka COVID-19.
Waxaa baaqan soo saaray xoghayaha guud ee ururka KUJ ,Eric Oduor.
Waxaa uu nasiib darro ku tilmaamay in wasaaradda caafimaadka ay sheegtay in la guda galayo qaybinta talaalka iyadoo aan caddeyn in wariyaasha ay ka mid yihiin shakhsiyaadka mudnaanta koowaad la siinaya.
Waxaa uu Mr. Eric carrabka ku dhuftay in suxufiyiinta ay bulshada u fidiyaan adeegyo muhiim ah.
Sidoo kale midowga KUJ ayaa wasiirka wasaaradda caafimaadka ee Kenya Mr. Mutahi Kagwe ka dalbaday inuu aqoonsado in warbaahinta ay kaalin weyn ka qaadanayso ololaha qaran ee lagula dagaallamaya caabuqa corona.
Xoghayaha guud ee KUJ ayaa ku celceliyay in aynan ahayn arrin la qaadan karo in wariyaasha lagu tilmaamo kuwo bixiya adeegyo muhiim ah keliya marka loo baahan yahay in ay bulshada wacyigeliyaan.
Sanadkii hore ayay ahayd markii madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta uu sheegay in suxufiyiintu ay ku jiraan liiska howlwadeenada bulshada u hayo adeegyada aadka muhiimka u ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments