Booliska Soomaaliya oo mamnuucay in wixii ka dambeeya saqda dhexe ay mooto bajaajta shaqeyso

0
246

Booliska Soomaaliya ayaa sheegay inay soo gaba gabeeyeen wajiga koowaad ee howlgal ay ka wadeen magaalada Muqdisho ayaa soo saarayo amarro culus oo lagu xaqiijinayo amniga caasimadda.
Afhayeenka ciidanka Boliiska ayaa sheegay in Muqdisho ay ka mamnuuceen Bajaajta xiliga habeenkii wixii ka dambeeya 12-ka Saqda Dhexe ee habeenimo, isagoo digniin u diray wadayaasha Mootada iyo Milkiilayaasha iska leh.
Shir jaraa’id oo uu ku qabtay saldhigga booliska degmada Xamar Jajab ayuu dhinaca kale ku sheegay in tallaabo sharci ah laga qaadi doono askarigii lagu arko isagoo dhar ciidan wata, islamarkaana hubeysan oo dhex socda xaafadaha degmooyinka gobolka Banaadir, sida uu hadalka u dhigay.
“Waa Dambi hadii la arko Mooto Bajaaj shaqeyneysa wixii ka dambeeya 12:00AM Saqda Dhexe, Ma dhici karto shakhsi wata Dareeska Ciidan iyo Qori in lagu arko Xaafadaha Muqdisho” ayuu yiri Afhayeenka.
Si kastaba, Lama oga sida ay caasimadda uga dhaqangeli doonto awaamirtan oo la rumeysan yahay inay yihiin kuwo adag, iyadoo dhallinyarada qaar ee magaalada ay gaaraan ilaa gelinka danbe ee habeenkii, waxaana sidoo kale caasimadda la ogyahay in galbiska aroosyada uu waayadan gaarayay ilaa labada habeenimo saqda dhexe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here