Faahfaahin ku saabsan shaqaaqo garoonka diyaaradaha Bosaaso ku dhexmartay ciidamada Puntland

0
308

Iska hor imaad u dhexeyay ciidamada badda ee Puntland iyo kuwa loo yaqaano PSF ayaa ka dhacay garoonka diyaaradaha ee magaalada Bosaaso, iyadoo la soo sheegayo khasaare inuu jiro.
Iska hor imaadkaan ayaa ka dambeeyay ka dib markii ciidanka PSF-ta isku dayeen inay si xoog ah garoonka uga soo dajiyaan mucaawinno ay waday guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka Soomaaliya, taas oo lagu amray inay dib ugu laabato Muqdisho.
Diyaaradda sidday guddoomiye ku xigeenka iyo mucaawinnada ayaa markii dambe si degdeg ugu laabatay magaalada Muqdisho, ka dib markii ammaanka garoonka uu faraha ka baxay, Inkastoo markii dambe xaaladda ay caadi ku soo laabatay, ka dib markii isimadu xaaladda soo faragaliyeen.
Isimada Punland ayaa gor dhow war ka soo saari doona shaqaaqada ka dhacday magaalada Bosaso.