Hoggaamiyaha xisbiga ANC kana mid ah mas’uuliyiinta isbeheysiga Kenya Kwanza Musalia Mudavadi ayaa madaxa xisbiga ODM Raila Odinga ku boorriyay inuunan qaadicin doorashada guud ee 9-ka bisha Siddeedaad ee sanadkan.
Dhawaan ayay ahayd markii Mr. Odinga uu sheegay in haddii guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC uunan goobaha codbixinta ku diyaarin diiwaanka caadiga ee codbixiyeyaasha aynan Kenya doorasho ka dhici doonin.
Hasa ahaate Mudavadi ayaa Raila u sheegay in arrinta uu ku dhawaaqay aynan ahayn mid wax soo kordhinaysa maadaama guddiga IEBC uu ku howlan yahay geeddisocodka codeynta.




