DHAGEYSO:Qaybo ka mid ah deegaannada Galmudug oo maanta laga Ciidayo

0
572

Waxaa saaka salaadda ciidda carrafo laga tukaday guud ahaan deegaannada Galmudug marka laga reebo magaalooyinka Gaalkacyo, Cadaado iyo Baxdo kuwaas oo maalintii shalay salaadda Ciidda laga oogay.
Deegaannada saaka laga tukaday salaadda ciidda ee maamulka Galmudug ayaa dadkooda isugu soo baxay islamarkaana iskugu marxabaynayay maalinta koobaad ee ciidda carrafo ee qaybo ka mid maamulkaasi.
Ma cadda in dadkan ay soomanayeen shalay maadaama ay sheegeen inay u ahayd maalinta Sagaalaad ee bisha Carrafo.
Dadka soomaalida badankooda iyo muslimiinta kale ayaa ciiday shalay halka maanta ay u tahay maalinta labaad ee ciidul Adxaa.
Ma ahan markii ugu horreysay ee deegaannada Galmudug ay ka dib dhacaan muslimiinta inteeda kale ama ay khilaafaan marka ay timaado ciidda.
Qaar ka mid ah bulshada Guriceel oo ka mid ah dadka maanta Ciiday ayaa hambalyadooda u diray sidatan