Uhuru:Go’aankii maxkamadda Supreme Court ka dib waxaan diyaar u ahaa inuu iska dhaafo xilka hoggaanka anigo u daneynaya wadanka

0
403

Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa hoosta ka xarriiqay in go’aankii maxkamadda Supreme Court ka dib uu diyaar u ahaa inuu iska dhaafo xilka hoggaanka isagoo u daneynaya wadanka.
Uhuru Kenyatta ayaa tilmaamay inuu aad uga walacsanaa marxaladdii uu dalku marayay oo uu ka cabsi qabay in mar kale ay dhacaan rabshadihii sanadkii 2007-dii.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in heshiiskii taariikhiga ahaa ee ay isaga iyo madaxa xisbiga ODM Raila Odinga gaareen sanadkii 2018-kii uu wadanka xasilooni iyo horumar u horseeday.
Madaxweynaha dalka ayaa sheegay inuu doonayo in mas’uulka xiga uu talada ku wareejiyo iyadoo wadanku uu nabad yahay oo ayna ka jirto midnimo buuxda.
Uhuru Kenyatta ayaa xusay inuu rajeynayo inuu howlgab noqdo ka dib doorashada 9-ka bisha Siddeedaad ee sanadkan oo uunan marnaba niyadda ku hayn inuu muddo kororsi sameeyo.
Mr. Kenyatta ayaa sheegay in hoggaaminta wadanka ay tahay shaqo adag oo hurdo la’aan weheliso .
Waxaa uu tilmaamay in madaxtooyada State House ay la mid tahay guri ay dhibaatooyin badan ka dhex jiraan sidaas awgeedna ku dhawaad 10 sano oo uu dalka soo hoggaaminayay ay ku filan tahay oo uu sugayo keliya 9-ka bisha Siddeedaad.