Beesha caalamka oo ka hadashay heshiiskii dhexmaray ra’iisul wasaaraha iyo midowga musharaxiinta

0
559

Xubnaha Beesha Caalamka ee taageerada siiya Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay wada-hadallada Muqdisho ku dhex-maray Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya & Midowga Musharixiinta.
War-Saxaafadeedka kasoo baxay Beesha Caalamka ayaa Madaxda dowladda & Maamul Goboleedyada looga codsaday inay si deg deg ah ku qabtaan shir-madexeedkii la qorsheeyay maalmaha soo socda si loo xaqiijiyo qorsheyaasha fulinta ee heshiiskii 17kii Sebtember.
War-Saxaafadeedka Biisha Caalammka ayaa lagu yiri Saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka waxay soo dhoweynayaan sii socoshada wadahadalada 1dii Maarso ee u dhaxeeyay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo Golaha Musharaxiinta Madaxweynaha,Kadib shirkii guusha kusoo dhammaaday ee 25-kii Febraayo, saaxiibadu waxay ka codsanayaan Ra’iisul Wasaaraha iyo Golaha Murashaxiinta Madaxweynaha inay ku tallaabsadaan horumar hor leh.
Warkaan kasoo baxay Beesha Caalamka ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu shir isugu yeeray Madaxda dowlad goboleedyada iyo Gobolka Banaadir shirkaan oo lagu sii anba qaadayo Heshiiskii Doorashada ee 17 September sanadkii hore.