Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in soo afjaridda dagaallada gacan ka hadalka ah ee Al-Shabaab ay u baahan tahay wax ka badan hab ciidan.
Waxaa uu sheegay in dowladdiisu la xaajoon doonto kooxaha xagjirka ah oo kaliya marka la gaaro wakhtiga saxda ah.
“Hadda ma joogno meel aan gorgortan la galno Al-Shabaab, Waxaan sameyn doonaa wakhtiga saxda ah,” madaxweynaha ayaa sidaasi sheegay inta uu booqashada ku joogo wadanka Turkiga.
“Al-Shabaab waxay diyaarisay hannaan ay kula tacaali karto, si xitaa haddii xarumahooda la burburiyo, ay awood u yeeshaan inay markale dib u soo dhisaan oo ay dib ugu laabtaan goobihii dagaalka,” ayuu hadalkiisa ku daray madaxweynaha.
Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud, waxa uu soo dhaweeyay hadal ka soo yeeray Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden oo ahaa in Ciidamada Mareykanka loo soo daad gureeyo Soomaaliya.
Home Wararka Soomaaliya Madaxweyne Xasan Sheikh: Soomaaliya waxay la hadli doontaa Al-Shabaab marka wakhtigu ku...